Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa maanta si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Qaycad ee Gobolka Mudug.
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in Shabaabka laga fara maroojiyay daafacyadoodii ugu dambeeyay, ee ay ku lahaayeen bariga iyo koonfurta ee deegaanka Qaycad.
Hawlgalkan ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi iyo Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi.
Labada ciidan ayaa waxaa la arkayay, iyagoo ku dabaaldegaya daafacyada laga saaray maleeshiyada Ururka Al Shabaab.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu yiri “Qoryo ka badan 20, qalabkii isgaarsiinta, raashin, dharkii dumarka ee argagixisadu isku qarin jireen, godadkii ay ku gabban jireen iyo meydkoodii ayay uga carareen, waxaana ku sii daba jira haraadigoodii ciidamada naftood hurayaasha ah.
Maantay ayay noo ahayd Ciiddii Adxada ee naga baaqatay muddadii lagu sugnaa dhufeysyada.”









Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com