Zamzam Ibraahim Cali oo ku soo baxday kursiga 1aad Doorashada Aqalka Sare ee Baydhabo

Doorashada shan kursi oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay haatan ka socotaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Zamzam Ibraahim Cali ayaa kursiga 1aad ku soo baxday, ka dib markii 81 cod ay kaga adkaatay Shariifo Xaaji Cismaan Ibraahim, oo heshay 4 cod oo keliya.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in 7 cod oo ka mid ah 92 Xildhibaan oo wax dooraneysay ay xumaadeen, waxaana xusid mudan Zamzam Ibraahim Cali oo horey uga tirsaneyd Aqalka Sare in dib loo soo doortay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com