Dad badan oo xanuunka COVID-19 ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa sheegtay in kiisaska badan oo xanuunka COVID-19 la xiriira laga diiwaangeliyay dalka, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay in xanuunka laga baaray 1,483 qof, dalka oo dhan, lagana helay 97 qof.

49 kiis ayaa laga diiwaangeliyay Puntland, 44 kiis Gobolka Banaadir, Koonfur Galbeed 3 kiis iyo Galmudug oo 1 kiis ah.

Dadka xanuunka laga helay 49 ka mida waa rag, halka 48 kalena ay haween yihiin.

Sida ku cad warbixinta wasaaradda waxaa dalka xanuunka ugu geeriyooday 24-kii saac ee ina dhaaftay sagaal qof, kuwaa oo toddobo ka mida laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, halka min hal kiis laga diiwaangeliyay Puntland iyo Somaliland.

Maalmihii ugu dambeysay ayaa waxaa soo badanayay dadka uu xanuunka ku soo ridanayo dalka, maantase waxay ahayd maalinta kiisaska ugu badan ee dhimashada laga diiwaangeliyo dalka, tan iyo intii uu dib ugu soo laba kacleeyay fayriska safmarka ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com