Guddiga Doorashada Galmudug ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa caawa kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona ku soo doortay guddoon.
Xubnaha Guddigan oo 12 ka kooban ayaa waxaa galabta wareegto ku soo magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal.
Guddiga ayaa Gudoomiye u doortay Xildhibaan Cabdiwahaab Maxamed Axmed, iyagoo Gudoomiye Kuxigeen u doortay Xildhibaan Cabdirixiin Axmed Cigaal, halka Xildhibaan Yaasiin Maxamed Cabdiraxmaan loo doortay inuu noqdo Xoghayaha Guddiga.
Maxamed Nuur Gacal, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa fadhigii lagu doortay Guddoonka Guddiga.
Senatorada Aqalka Sare ee Galmudug ka imaanaya ayaa lagu wadaa in lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.


Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com