Guddiyada Doorashooyinka Galmudug oo yeeshay kulan is barasho (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Galmudug, Maxamed Daahir Guuleed iyo Xubnaha Guddiga ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Guddiga Doorashada Aqalka Sare ee Galmudug.

War ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa lagu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid is barasho.

“Kulanka labada Guddi ayaa diiradda lagu saaray, sidii loo dadajin lahaa Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare, ka dib markii uu soo gudbiyo liiska musharixiinta Aqalka Sare Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.” Ayaa lagu sheegay warka.

Senatorada Aqalka Sare ee Galmudug ka imaanaya ayaa lagu wadaa in lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com