Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Ambassador Bomba (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka ee Somaliya.

Madaxweynaha iyo Ambassador Mohamed Bomba Mohamed ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle iyo sidii Ururka Iskaashiga Islaamka uu u sii dardar gelin lahaa howlaha uu haatan ka wado dalka, gaar ahaan shaqooyinka uu ka hayo Hirshabelle.

Sidoo kale kulankan ayaa looga hadlay fulinta mashaariicyo muhiim u ah bulshada oo isugu jira qodista ceelal biyood, hirgalinta Iskuulo waxbarasho iyo sidii kaalin ay uga qaadan lahaayeen xal u helida fatahaadaha wabiga Shabeelle ee kusoo noq noqday deegaanada Hirshabelle.

-DHAMAAD-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com