Xukuumadda oo war ka soo saartay Doorashada Guddoonka Guddiga Somaliland

Xilli Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi ay shaaciyeen in Guddoonka Guddiga la dooran doono maalinta Sabtida ayaa waxaa uu Xafiiska Ra’iisal Wasaaruhu faray inay doorashadaasi noqoto mid daahfuran, laguna qabto waqtigeeda.

Sidoo kale Hay’adaha Dowladda Federaalka ee arrintaasi khuseyso ayaa lagu amray inay kor joogteeyaan Doorashada Guddoonka Guddigaasi.

Warka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa waxaa ku saxiixnaa Cabdixakiin Xasan Ashkir, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com