Lafta-gareen oo u hanjabay musharaxiinta is hubinaya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa u jeediyay musharaxiinta xil raadiska ah, ee sida uu sheegay is hubinaya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in siyaasiyiinta qaarkood ay is hubeynayaan, isagoo intaa ku daray inay qalqalgelin karaan amniga Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada Baydhabo, laguna dhiirigelinayay Ciidamada Qalabka Sida ayaa hoosta ka xariiqay inay u taalo shaqo badan, oo ay tahay in la qabto.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xusay in gacan ay kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab, gacanta kalena ay ku xaqiijin doonaan amniga magaaladaasi.

“Anagoo awalba amniga sugnay ayaa waxaan u baahanahay in labada gacmoodba lagu shaqeeyo, oo gacan-na amniga lagu suggo, Shabaab meesha uu jooggo looga daba tago, gacan-na amniga magaalada lagu suggo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku socday siyaasiyiinta ay ku kala aragtida duwan yihiin siyaasadda.

Siyaasiyiintan ayaa magaalada ka degaya goobo ay ku ilaaliyaan maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com