Tirada dadka COVID-19 ugu dhimanaya dalka oo sii kordhaysa

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay.

Waxay sheegtay in afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay dalka laga diiwaangeliyay 77 kiis, lagana diiwaangeliyay goobo kala duwan.

Wasiiradda ayaa sheegtay in 56 kiis laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, 19 kiis Puntland iyo Jubbaland iyo Somaliland oo min hal kiis laga diiwaangeliyay.

Dadka xanuunka laga helay ayay sheegtay in 48 ka mida ay rag yihiin, halka 29 kalena ay haween yihiin.

Sidoo kale waxay sheegtay in shan xaaladood oo dhimasho ah laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir.

Foosiya Abiikar ayaa muujisay inay muuqato saamaynta ka dhalatay mowjadda 3aad COVID-19 ee dalka, iyadoona bulshada ugu baaqday inay taxadaraan, isla-markaana ay qaataan talooyinka khubarada caafimaadka ee la xiriira ka hortagga iyo xakameynta xanuunkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com