10 qof oo Coronavirus ugu geeriyootay Magaalada Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, sideed iyo afartankii saac ee la soo dhaafay.

Guud ahaan wadanka ayaa waxaa xanuunka laga baaray 1,445 qof, waxaana laga helay 63 qof, sida ku cad warbixinta Wasaaradda Caafimaadka.

Kiisaskan ugu dambeeyay ayaa 50 ka mida waxaa laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, Puntland 9 kiis, Galmudug 3 kiis iyo Hirshabelle oo hal xaalad laga xaqiijiyay.

32 ka mida bukaanada waxaa weeye rag, iyadoo 31 kalena ay haween yihiin.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa warbixinteeda ku sheegtay in 10 qof ay COVID-19 ugu geeriyoodeen Gobolka Banaadir, taasoo tirada guud ee dhimashada dalka laga diiwaangeliyay ka dhigeysa 8,47 qof.

Xilli dalka uu wajahayo mowjadda 3aad ee COVID-19 ayaa waxaa muuqata inaanay bulshadu kuba baraarugsanayn soo laba kacleynta COVID-19.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com