Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Daraawiishta Galmudug ayaa ku sii siqaaya Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Ciidamada oo maalin ka hor ka ruqaansaday deegaanka Cammaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa Jimcihii la wareegay deegaanada Miliqo iyo Dabagalo, oo hoostagga Xarardheere.
Labada ciidan ayaa haatan kulaalaya deegaanada Korodhi iyo Seego, iyadoona ay dhowr tuulo uun ka xigto Degmada Xarardheere.
Gulufka ku wajahan degmadaasi ayaa waxaa horkacaya Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi.
Dhanka kale wararka laga helayo Degmada Xarardheere ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay ka wadaan abaabul, ay ku doonayaan inay ku difaacdaan degmadaasi Badweynta Hindiya dhacda.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaase sheegaya inay xogta ku hayaan in Shabaabku bilaabeen inay isaga baxaan degmadaasi.
Haddii labada ciidan ay la wareegaan gacan ku haynta degmadaasi ayaa waxay noqonaysaa degmadii ugu horeysay, ee ay gacanta ku dhigaan, tan iyo markii ay gulufka ka bilaabeen Gobolada Dhexe, muddo bil laga jooggo.







Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com