Garabka labaad Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo shir guddoon doortay

Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi, garabka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho ku doortay Guddoonka Guddiga.

Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii maanta garabka kale ee guddigaasi, oo uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ay magaalada ku doorteen Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen.

Afarta xubnood ee uu soo magacaabay Gudoomiye Xaashi ayaa Gudoomiyaha Guddiga u doortay Suleymaan Caydiid Cismaan, halka Cabdishakuur Abiib Hayir loo doortay inuu noqdo Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga.

Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo kow iyo toban xubnood ka kooban, ayaa waxaa min afar xubnood soo kala magacaabay Gudoomiye Xaashi iyo Mahdi Guuleed, halka saddexda kalena uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Saddexdaasi xubnood ayaana la aaminsan yahay inay u janjeeraan garabka Mahdi Guuleed.

Gudoomiye Xaashi ayaa Khamiistii Ra’iisal Wasaare Rooble ku eedeeyay inaanu dhexdhexaad ka ahayn khilaafka garabkiisa kala dhaxeeya garabka kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com