Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay shir guddoonka ay maanta doorteen Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyay Xubnaha Guddoonka Guddiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee maanta oo Sabti ah is doortay. Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku booriyay Xubnaha Guddoonka la doortay in ay dardargeliyaan, sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka, iyaga oo kaashanaya Guddiga Heer Federal ee FEIT.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday Siyaasiyiinta Somaliland, ee ay kala hoggaamiyaan Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeen Mahdi Guuleed.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com