Xubno uu ka mid yahay Cali Dheere oo lagu daray liiska argagixisada

Waaxda Arrimaha Dibadda Dowlada maraykanka ayaa Jimcihii shaacisay in liiska argagixisadda caalamiga ah ku dartay laba ka mid ah hoggaanka Al Shabaab. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in laga hor istaago wax kasta oo lahaansho ah ee ay haystaan kooxdani, si loo xakameeyo ficiladooda argagixisanimo.

Labadda xubnood ayaa kala ah Cali Maxamuud Raage” Cali Dheere” Afayeenka kooxda Argagixsadda ah ee Al-shabaab iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir (Ikrima), oo isaguna ah fududeeyaha iyo qorsheeyaha hawlgalada.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in cunno qabatayn caalami ah la saari doono cid kasta oo la macaamisha kooxdan.