Lafta-gareen oo xilka ka qaaday xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa xilka ka qaaday laba ka mida Golihiisa Wasiiraa, isagoo xubno cusubna soo magacaabay.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Warfaafinta, Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) iyo Wasiirkii Garsoorka & Cadaaladda, Maxamed Xuseen Xasan (Joon).

Madaxweynaha ayaa Xasan Ibraahim Xasan (Lugbuur) u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Garsoorka & Cadaaladda. Sidoo kale Ilyaas Cali Nuur ayuu u magacaabay Wasiirka Warfaafinta.

Axmed Sheekh Maxamed Laxoos (Mashruuc) ayuu u magacaabay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha, halka Maxamed Cali Xasan uu u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Howlaha Guud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com