Puntland oo garab istaagtay Ra’iisal Wasaare Rooble

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa garab istaag u muujisay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxame Xuseen Rooble, xilli uu soo ifbaxay mad madow kala dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxtooyada Puntland ayaa boggaadisay doorka hoggaamineed Ra’iisal Wasaare Rooble ee xilliga kala guurka, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliya la leedahay adduunka.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa “Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble, Hoggaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliya la leedahay adduunka.

Dowladda Puntland waxay mar kasta aaminsan tahay sareynta sharciga, sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah.”

Puntland ayaa noqonaysa maamulkii ugu horeeyay ee ka hadla khilaafka siyaasadeed ee ka soo kordhay Villa Somalia.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com