Rooble oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya, Raychelle Omamo, taas oo maanta booqasho ku timid Magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, ee u dhaxeeya labada dal ee deriska ah ee Somaliya iyo Kenya.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah, oo uu ka helay Madaxweynaha dalkaasi, Uhuru Kenyatta.

Labada dal ee Kenya iyo Somaliya waa laba dal oo deris, oo ay ka dhaxeeyaan dano badan, sida diblomaasiyadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Xukuumadda Somaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwadda muranka badda, ee u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya go’aankeeda laga suggayo Maxkamadda Caddaalada Caalamiga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com