Guddiga Difaaca & Taakulada Hawlgalada oo looga dhawaaqay G/mudug

Waxaa maanta deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug looga dhawaaqay guddi loogu magac-daray “Guddiga Sare ee Difaaca & Taakulada Hawlgalada Gobolka Mudug’ oo ka kooban kow iyo toban xubnood, Gudoomiyana uu u yahay Sheekh Cabdimanaan Sheekh Maxamed Cismaan oo ka mid ah Culima’udiinka deegaanka.

Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii deegaankaasi uu ka dhacay shir looga hadlayay, sidii dadweynuhu uga qayb qaadan lahaayeen gulufka ka soconaya Gobolada Dhexe, ee Shabaabka looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo shirkaasi ka qaybgalay ayaa sheegay in looga hadlay midaynta dadaalada iyo gurmadka lagu garab istaagayo hawlgalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ka wadaan Gobolka Mudug.

“Waxa aan Magaalada Wisil kaga qaybgalnay abaabulka bulshada deegaanka oo ay hormuud ka yihiin Culimaa’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Maamulka Gobolka iyo kan Degmooyinka Mudug, loogana arrinsaday midaynta dadaalada iyo gurmadka lagu garab istaagayo hawlgalada Ciidamada Huwanta ahi ay kula dagaalamayaan kooxaha Khawaarijta Shabaab.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Ugu dambayn waxaa la isku raacay samaynta guddi loogu magac-daray ‘Guddiga Sare ee Difaaca & Taakulada Hawlgalada Gobolka Mudug’ kaasoo ka kooban 11 xubnood oo Guddoomiye uu yahay Sheekh Cabdimanaan Sheekh Maxamed Cismaan. Guddigaas ayaa saldhig u noqon doona: uruurinta taakulada, la xiriirka jaaliyadaha dibadda, dadka gudaha iyo uruurinta naftood hurreyaasha ka qaybgalaya hawlgalka argagixisada looga xoreynayo deegaanada gacantooda ku jira.”

Wasiir Fiqi ayaa intaasi ku daray “Gebagabadii waxaa baaq loogu soo jeediyay qurbajoogta iyo dadka gudaha in hawshaas wax ku oolka ah ay gacan ka gaystaan, si halgan aan loo kala harin oo loo wada dhan yahay cadowga hororka ah looga hortaggo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com