Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Qaranka, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Gudoomiye Maxamed Cirro iyo wafdigiisa la socday oo qayb uu ka yahay Gudoomiye Kuxigeenka Guddigga Xalinta Khillaafaadka, Maxamed Ibraahim Barre ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Guddigga Doorashada Heer Dowlad Goboleed Galmudug, Maxamed Daahir Guuleed iyo xubnaha kale ee Guddiga.

Ujeedka Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal ee gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay dardargelinta qabsoomidda doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliy oo la filayo inay ka bilaabato Magaalada Dhuusamareeb.

Maxamed Daahir Guuleed oo hadlayay soo dhoweyn ka dib ayaa bogaadiyay howlaha muhiimka ah ee guddiga u qabsoomay.

Gudoomiye Cirro oo warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay in safarkoodan daaran yahay in kulamo kala duwan la qaataan Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug, iyagoona ka wada hadli doona qabsoomida doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com