Khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka iyo waxa u sabab ah

Prof. Maxamed Xaaji ingiriis oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sida dhow ula socda arrimaha Somaliya ayaa sheegay in labada war ee ka soo kala baxay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, ay muujinayaan khilaaf weyn oo soo kala dhexgalay madaxda dalka.

Waxaa uu sheegay in khilaafkan uu sabab u yahay Dastuurka Qabyo Qoraalka, oo mugdi gelinaya awoodaha madaxda sare.

Prof. Ingiriis ayaa sheegaya inaanu dastuurku si cad u kala qeexeen awoodda Madaxweynaha iyo tan Ra’iisal Wasaaraha, taasina ay ugu wacan tahay khilaafkoodan.

“Khilaafkan waxaa keenaya dastuurkii oo u qoran si mugdi ku jiro, oo Madaxweynihii iyo Ra’iisal Wasaarihii awoodoodii aan si cad u kala xadeynin, oo Madaxweynihii muxuu awood leeyahay, Raiisal Wasaarihii muxuu awood leeyahay?” Ayuu yiri Prof. Ingiriis oo la hadlay BBC.

Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Somaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamay xilliga uu soo ifbaxay khilaafkan, oo dalka uu meel xasaasi ah marayo, doorashana loo jiheystay.

“Haddii Ra’iisal Wasaaruhu ka soo daba hadlay Madaxweynaha waxay tusinaysaa khilaaf dowladda dhexdeeda ah, Ra’iisal Wasaaraha oo fulintii ah iyo Madaxweynaha, oo ah Mdaxweynihii Qaranka.” Ayuu yiri Qoriyow.

Qoriyow ayaa qaba khilaafka xilligan ka soo kordhay Villa Somalia inuu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, taasoo loo baahnaa inay ka wadahadlaan Madaxda Qaranka.

“Waxaan u maleynayaa in arrimo siyaasadeed ay dabada la gashay, sababtoo ah Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha, haddii ay noqoto arrimo dibadeed waa in ay ka wadahadlaan, oo go’aan la isla qaato.” Ayuu yiri Qoriyow.

Prof. Ingiriis ayaa ku waramaya xaaladda siyaasadeed ee dalka inay sii cuslaan doonto, haddii Madaxweyne Farmaajo uu ka falceliyo qoraalkii uu Ra’iisal Wasaare Rooble kaga hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Prof. Ingiriis ayaa ku taliyay in waxgaradka, Culima’udiinka iyo dadkoo dhan ay u istaagaan, si xaaladda loogu qaboojiyo halka ay marayso.

“Waa in ay kacaan dadka waxgaradka ah iyo Culima’udiinka, umadoo dhana la is biirsado oo xaaladda lagu qaboojiyo halka ay hadda marayso.” Ayuu yiri Prof. Ingiriis.

Si kastaba ha-ahaatee bulshada qaybteeda ayaa walaac ka muujinaysa khilaafka ka soo ifbaxay aqalka dalka looga arrimiyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com