Maxaa hortaagan qoondada haweenka (30%) ee Baarlamaanka?

Ka hadalka qoondada haweenka (Boqolkiiba soddon) ee Baarlamaanka Somaliya waa mid saddexdii xilli doorasho ee ugu dambeysay ku soo badaneysay dhegaha dadka Soomaaliyeed.

Xilligii Dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa la bilaabay in haweenka ay saami go’an ku yeeshaan Golaha Shacabka, bacdamaa inta badan kuraasta golaha ay rag ku soo baxaan, waana xilligaa xilliga qoondada haweenka lagu soo daray doorashooyinka dalka.

Sanadkii 2016 doorashadii dalka ka dhacday ayay haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka ka heleen qoondo dhan boqolkiiba afar iyo labaatan.

Heshiisyadii 17-kii September iyo 27-kii May ee arrimaha doorashooyinka ku qotamay ayay Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ku adkeeyeen in la ilaaliyo qoondaa haweenka, waana mid ka mida qodobadii ugu muhiimsanaa, ee ay qalinka ku duugeen.

Qoondada haweenka waa qodobka labaad ee haatan horyaala Xafiiska Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoona uu Ra’iisal Wasaaruhu dhawaan ballanqaaday in xukuumaddiisu ka shaqayn doonto xaqiijin qoondadaasi.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa 25-kii bishii July magacaabay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka (30%) ee Labada Aqal oo 13 xubnood ka kooban, tiiyoo aad mooddo inaanay weli ku xasilin haweenku.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Somaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa Sabtidii Magaalada Muqdisho kula kulantay qaar ka mid ah haweenka musharaxiinta, ee u taagan kuraasta Labada Aqal, iyagoona ka wadahadlay sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada caqabadaha ka hor imaan kara xaqiijinta qoondada haweenka.

Wasiirad Xaniifa ayaa sheegaysa in siyaasadda wasaaradeeda ee xaqiijinta qoondada haweenka ay tahay in beel kasta oo saddex kursi leh ay kursi ka mida gabar noqoto.

Caasha Geelle Diiriye oo xubin ka ah Guddiga Xaqiiinta Qoondada Haweenka ayaa sheegtay in waxa soo celceliyay doodaha la xiriira qoondada haweenka ay ugu wacan tahay, iyadoo aanay dastuuri ahayn.

“Qoondada haweenka sababta ay meermeerka ugu jirto oo mar walba kulamada wecyigelinta loo qabanayo, ee mar walba dumarku kala hadlayaan Madaxda Soomaaliyeed waxaa weeye qoondada haweenku dastuuri maaha. Wixii dastuurka ku qoran iyadu ka hadal malaha, waa lama taabtaan, sida in Baarlamaanka uu 275 kursi yahay, in beeluhu 4.5 yihiin, in qoloba tirada intaasi le’eg ay leedahay, laakiin qoondada haweenka ee boqolkiiba soddon dastuurka kuma qorna, laakiin waa habraacyadii iyo heshiisyadii afka ahaa ee madaxdu wada gaareen.” Ayay tiri Caasha Geelle Diiriye.

Caasha Geelle ayaa tiri “Maadaama aysan wixii dastuuri ahayn, taasaa keentay in ay gasho is daba-mar iyo inay is ceersi gasho.”

Caasha Geelle ayaa xustay in arrinta qoondada haweenka ay doorashadan ka cuslaan doonto middii 2016, xilligaa oo sida ay sheegtay ay jireen fursado badan.

“Doorashadii 2016 waxaa la gaaray boqolkiiba afar iyo labaatan qoondada haweenka, tan-na waxaan fileynay lixda dhiman in la buuxiyo, laakiin saan-saanta hadda socoto waxaad mooddaa inay xoogaa ka sii culus tahay, maxaa yeelay waagaa fursado badan baa jiray. Fursadahaas waxaa ka mid ahaa Golihii Hoggaaminta ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah way mideysnaayeen oo hal gole oo keliya ayay lahaayeen, sidoo kale Beesha Caalamka culeys bay iyaduna haysay.” Ayay tiri Caasha Geelle.

Si kastaba ha-ahaatee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya (UNSOM) ayaa daba-yaaqadii bishii July sheegay in Qaramada Midoobey ay si buuxdo u taageerayso in haweenku ka qaybgalaan doorashooyinka soo socda, isla-markaana ay metel ku yeeshaan Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com