Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka ayaa xalay kulan ka yeeshay khilaafka ka soo dhex cusboonaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaarihiisa, Maxamed Xuseen Rooble.

Ridwaan Xirsi Maxamed oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in kulanka ay kaga hadleen khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka iyo qiimayn ay ku sameynayeen, sida ay doorashadu u socoto.
“Waxyaabaha hadda wax la’iska weydiinayay waxaa ka mid ah khilaafkan ugu dambeeyay ee ka dhex curtay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & Ra’iisal Wasaaraha iyo qiimayn guud ahaan arrinta doorashada sida ay u socoto.” Ayuu yiri Ridwaan Xirsi Maxamed.
Ridwaan Xirsi ayaa yiri “Kulamadaasi way noo socdaan, weli ma soo geba-gaboobin, markii ay soo geba-gaboobaan waxaanu ka soo saari doonnaa warmurtiyeed iyo go’aano.”
Mar wax laga weydiiyay waxa ay ku xaqiijinayaan in khilaaf uu soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku jawaabay in khilaafkaasi uu yahay mid muuqdo.
“Khilaafku xaqiiqo jirto weeye, wayna muuqataa, waxaanu aaminsanahay dalka Kenya dal aynu jaar nahay weeye, khilaafka iyo dhibaatadaa ka dhex dhacday labada dal-na waxaa abuuray nidaamka Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.” Ayuu yiri Ridwaan Xirsi Maxamed oo horey u soo noqday Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka.
Waxa kaloo uu yiri “Waxaa cad in hadda ay jirto is riiriixid oo Madaxweynuhu doonayo inuu ciriirsado arrin ay u ekeyd waqtigii uu ahaa Madaxweynaha sharciga ah inuu qabto.”
Sidoo kale waxaa uu sheegay inaanay iyagu u arkin in Xukuumadda Rooble ay xilligan geli karto heshiisyo masiiriya, maadaama ay tahay sida uu yiri xukuumad xil gaarsiin ah.
“Dhanka kale marna ma taageersanin inay dhacdo in heshiisyo masiiriya oo waqtigan kala guurka ah oo xukuumaddu lafteedu ay tahay xukuumad xil gaarsiin ah inay gasho, oo aan awood dhameystiran lahayn inay geli karto uma aragno. Waxaan u aragnaa inuu dalkan doorasho galay, doorashadaas si daacad oo hufan loo galo, lana muujiyo kartideedii, loona daayo arrimaha masiiriga ah ee dalka, xukuumadda iman doonta iyo madaxweynaha la dooran doono.” Ayuu yiri Ridwaan Xirsi.
Maalmaha soo socda ayaa laga war dhawrayaa, sida uu u sii socdo xiriirka iyo wada shaqaynta labada xafiis ee dalka ugu sareysa, khilaafka oo sii xoogeysta ayaana keeni karta dib u dhac kale oo ku yimaada hannaanka doorashada dalka oo hadda bilowday.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com