Miisaaniyadda doorashooyinka dalka iyo meelaha laga fillayo

Xukuumadda Somaliya iyo Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku kala saxiixday qayb ka mida miisaaniyadda doorashooyinka dalka, oo gaareysa Toddobo Milyan & Laba Boqol Kun oo Dollar.

Lacagahan oo ay bixinayan wadamada deeq bixiye-yaasha ayaa lagu wadaa inay fududeyso dardargelinta doorashooyinka ka bilowday dalka.

Sidoo kale lacagahan ayaa lagu wareejin doonnaa Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed.

“Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya ayaa maanta la saxiixday Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya $7.2M (Toddobo Milyan iyo Laba Boqol Kun oo Dollar), oo qayb ka ah miisaaniyadda doorashooyinka dalka. Yaboohan ayaa fududeyn doono dardargelinta doorashooyinka bilowday.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Qaybaha kale ee miisaaniyadda doorashooyinka ayaa la fillayaa inay ka kala yimaadaan Dowladda Federaalka, oo iyadu bixin doonto laba milyan oo dollar, ku dhawaad toban milyan oo kalena waxaa la fillayaa inay ka soo xarooto murashaxiinta u tartamaysa xilalka kala duwan, sida Laba Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Doorashada sanadkan dalka ka dhaceysa ayaa la qiyaasayaa inay ku bixi doonto labaatan milyan oo dollar.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com