RW Rooble oo la kulmay Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa ku qaabilay Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan ayaa ahaa mid ay isaga xog-wareysanayeen xaaladda dalka iyo doorashooyinka, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Warka ayaa u qornaa “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is xog wareysi xaaladda dalka iyo doorashooyinka waxa uu galabta hoygiisa kula yeeshay Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah, ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jewi xasiloon.”

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli uu khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Dowladda Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com