Faah faahin: Qarax dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Mudug

Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhimatay, laba kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii qarax wadada dhinaceeda la dhigay uu haleelay gaari ay la socdeen dad rayid ah, meel ku dhow deegaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah saddex carruur ah, kuwaa oo da’doodu ay u dhaxeyso saddex illaa shan sano jiro.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) ayaa sheegay in qaraxaasi ay gaysteen maleeshiyada Al Shabaab.

Dhanka kale gaari ay wateen dhallinayaro ka ganacsata qaadka oo ku sii jeeday deegaanka Cammaara oo 9km u jira Bacaadweyne ayaa sidoo kale lala eegtay qarax miino, waxaana ku dhaawacmay saddex qof, oo midi ay haweeney tahay.

Gudoomiye Isxal ayaa Radio Muqdisho u sheegay in dhaawacyada saddexdaasi qof loo qaaday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Cismaan Abokar Dubbe, Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxa ay sideedda qof ku dhinteen.

Deegaanada ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa dhawaan laga saaray mintidiinta Al Shabaab, iyadoona weli uu hawlgalku ka sii soconayo Koonfurta Gobolka Mudug.

Wasiir Dubbe ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ku booriyay inay sii wadaan gulufka ka dhanka ah argagixisada, ee ay ku difaacayaan dadka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com