Ra’iisal Wasaare Rooble oo gaaray dalka Kenya (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Mombasa ee dalkaasi Kenya.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa Madaxtooyada Mombasa kulan kula leh Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Warbaahinta ayaa fahamsan inaanu Ra’iisal Wasaaruhu marnaba wax gorgortan ahi ka geli doonin muranka dacwadda badda ee labada dal, ayna tahay in go’aankeeda looga dambeeyo Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com