Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay laamaha amniga

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo saakay kulan la qaatay laamaha amniga ayaa faray xoojinta amniga guud ee waddanka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay saraakiisha in ay xil gaar ah iska saaraan sugidda amniga doorashooyinka dalka ka bilowday.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa adkeeyay ballanqaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-furan oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada jeesto ilaalinta danta guud, gaar ahaan amniga xiligan dalka ay ka soconayaan doorashooyinka.

Hay’adaha amniga ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey howlaha sugidda amniga iyo u diyaar garow gooda ku aadan sidii looga hortagi lahaa dhagarta cadowga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com