Ciidanka Xoogga Dalka oo soo bandhigay Sarkaal ka soo goostay Shabaab

Idiris Cabdullahi Macalin (Foodcadde) oo muddo toddobo sano ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay Magaalada Baydhabo, ka dib markii uu isku soo dhiibay Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Idiris Cabdullahi Macalin oo Shabaab u qaabilsanaa ilaalinta xabsiyada ayaa haatan ka soo goostay Shabaabka ka arrimiya Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Waxaa uu sheegay inuu u adkaysan kari waayay dhibaatada ay Shabaabku ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, taasina ay ku riixday inuu safkooda ka soo baxo.

“Waxaa uga soo baxay Shabaab, ummaddii ayay gumaadeen, diin ayay iska sheeganayaan, diin ay ku dhaqmaan oo sax ahna ma arag.” Ayuu yiri Foodcadde.

Dhanka kale Foodcadde ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay maanta si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

“Alle oo iga soo saaray ayaa ku mahadsan oo Ciidamada Dowladda ii keenay, si fiicana maanta iigu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo.” Ayuu yiri Foodcadde.

Foodcadde ayaa ugu dambayn dhallinyarada ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ugu baaqay inay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowladda, intii ay dadkooda dhibaateen lahaayeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com