Qoorqoor oo gudbiyay qayb ka mida musharaxiinta u tartamaysa Aqalka Sare

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa saaka gudbiyay liiska musharaxiinta qayb ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Madaxweynaha ayaa wareegto Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Galmudug ugu gudbiyay laba iyo toban musharax, oo ku tarmaysa lix kursi.

Musharaxiintan uu wareegtada ku soo magacaabay Madaxweyne Qoorqoor shan ka mida waa dumar, iyadoo laba kursi-na ay haween uun ku tartami doonaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com