Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay Soomaalida Mombasa (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku joogga dalka Kenya ayaa maanta Magaalada Mombasa kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladaasi degan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda dalka iyo doorashooyinka dalka ka bilowday, sida lagu sheegay war qoraala oo ka soo baxay xafiiskiisa.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kuwaas oo uu uga warbixiyay xaaladda dalka iyo doorashooyinka dalka ka bilowday.” Ayaa lagu sheegay warka.

Wafdiga Ra’iisal Wasaare Rooble oo Talaadadii gaaray Magaalada Mombasa ayaa ku sii jeeda Magaalada Mombasa ee Xarunta Kenya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com