Rooble oo Mombasa uga gudbay Nairobi

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Nairobi, ka dib markii ay ka amba-baxeen magaalo xeebeedka Mombasa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sii jooggi doona Magaalada Nairobi, muddada ka harsan booqashada uu ku jooggo dalkaasi.

“Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee safarka shaqo ku joogga dalka Kenya ayaa soo gaaray Magaalada Nairobi, oo uu sii joogi doono inta ka dhiman safarkiisa Kenya.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Rooble.

Rooble oo Talaadadii gaaray Magaalada Mombasa ayaa kula kulmay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com