Senatorada Puntland ku metelaya Aqalka Sare oo maanta lagu dooranayo Garoowe

Sida uu qorshuhu yahay waxaa maanta Magaalada Garoowe lagu dooran doonnaa kow iyo tobanka Senator ee Puntland ku metelaya Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa 9-kii bishan soo saaray liiska laba iyo labaatan musharax, oo u taagan kow iyo tobanka kursi ee Puntland ku leedahay Aqalka Sare.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa dooran doona kow iyo tobankaasi xubnood, oo sideed ka mida ay haween yihiin.

Saddex ka mida kuraastaasi ayaa waxaa ku tartamaysa lix haween ah, taasoo ka dhigan in la sii odorosi karo in saddex haween ahi ay halkaasi ka soo bixi doonaan.

Puntland ayaa noqonaysa maamulkii ugu horeeyay ee soo wada gudbiya dhammaan musharaxiinta ku tartamaysa kuraasta ay ku leedahay Aqalka Sare.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com