Farmaajo oo 14-ka August u asteeyay maalinta la dagaalanka musuq-maasuqa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 14-ka bisha August maalinta oo kale waxa uu u asteeyay maalinta la dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u asteeyey 14-ka bisha August ee sanad kasta Maalinta La dagaalanka Musuq-maasuqa ee Somaliya, si loo xoojiyo dadaalada ciribtirka musuq-maasuqa, loogana miro dhalliyo hiigsiga qaran ee ku aaddan dal daahfuran oo ku tilmaaman maamul wanaag.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay munaasabadda daah-furka Guddiga Madaxabannaan ee La Dagaalanka Musuq-maasuqa iyo Ku biiritaanka Sharciyada Caalammiga ah ee La dagaalanka Musuq-maasuqa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com