Farmaajo oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Sharciyada La dagaalanka Musuq-maasuqa

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qaybgalay munaasabad lagu daah-furayay Guddiga Madaxabannaan ee La Dagaalanka Musuq-maasuqa iyo ka mid noqoshada Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa sheegay in Guddigan uu gundhig u yahay hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee Dalka.

“Guddigani waa mid dastuuri ah, waxaan sharciga lagu dhisay saxiixay 21 Sabteembar 2019, maantana waxa aynu u taagannahay munaasabaddan aynu ku daah-furayno. waxa ay tallaabadani dhiirrigelinaysaa fursadaha maalgashiyada caalammiga ah ee dalkeenna, kobaca dhaqaalaha, hufnaanta maaliyadda iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo dul istaagay dadaalada Dowladda Federaalka ee la dagaalanka musuq-maasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in ay Somaliya ka mid noqoto Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaalanka Musuq-maasuqa, sida: Sharciga Heshiiska Midowga Afrika ee La Dagaalanka Musuq-maasuqa, Sharciga Heshiiska Jaamacadda Carabta ee La Dagaalanka Musuq-maasuqa iyo Sharciga Heshiiska Qarammada Midoobey ee La Dagaalanka Musuq-maasuqa.

“Dowladda Federaalka Somaliya oo ka duuleysa qorsheyaasha qaran ee ku saleysan dhowridda xuquuqda muwaaddiniinta iyo ilaalinta hantida Qaranku waxa ay ku guuleysatay in aynu si rasmi ah uga mid noqonno maanta Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaalanka Musuq-maasuqa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo oo kula dardaarmay Guddiga Madaxabannaan ee La Dagaalanka Musuq-maasuqa in ay waajibaadkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay waddaniyad iyo hufnaan ayaa sidoo kale xeeriyey in 14-ka Ogoosto loo aqoonsado Maalinta Qaran ee La Dagaalanka Musuq-maasuqa ee Jamhuuriyadda.

Munaasabadan ayaa waxaa kale oo ka qaybgalay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Baashe Yuusuf Axmed, Wasiiro ka Xukuumadda, Xildhibaano, Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska iyo Asluubta, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee La Dagaalanka Musuq-maasuqa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com