Taliska AMISOM oo laga dalbaday in baaritaan lagu sameeyo dhacdadii Golweyn

Gudoomiye-yaasha Gobolada Banaadir & Shabellaha Hoose ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, iyagoona kala hadlay dhacdada Talaadadii ay Ciidanka AMISOM ku dileen toddobo qof oo rayid ah, deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa Taliska AMISOM ka dalbaday in la sameeyo baaritaan deg-deg ah, isla-markaana ay cadaalad helaan dhibane-yaasha iyo eheladoodaba, sida lagu sheegay war ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Warka ayaa u qornaa “Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa si wadajir kulamo kala duwan ula qaatay Saraakiisha Qaybaha Amisom iyo sidoo kale Taliyaha ugu Sareeya Hawlgalka Nabad Ilaalinta AMISOM ee Somaliya, General Diomede Ndegeya.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii baaritaan deg-deg ah loogu samayn lahaa dhacdadii argagaxa laheyd ee Ciidanka AMISOM ku xasuuqeen Allaha u naxariistee dad shacab ah oo ku nool deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Filish iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa u sheegay Madaxda Amisom inaan la aqbali karin falkaasi gurcan ee lagu dilay 7 qof oo shacab ah, isla-markaana loo baahan yahay in marxuumiintaas iyo eheladooda ay si deg-deg ah u helaan cadaalad.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com