Wararkii ugu dambeeyay kiisaska COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, 48-kii saac ee ugu dambeysay.

Wasaaradda ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dalka laga diiwaangeliyay 70 xaaladood oo cusub, 8 dhimasho ah iyo 25 ruux oo xanuunka ka bogsaday.

Xaaladahan cusub ayaa laga kala diiwaangeliyay Gobalka Banaadir (48) Puntland (17) iyo Somaliland (5). 35 ka mid ah bukaanada la xaqiijiyay waa rag, halka 35-na ay haween yihiin.

Tirada guud kiisaska COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa gaartay 16,265, iyadoo dadka ka bogsaday ay wadartooda guud tahay 7,913 Ruux, halka dhimashada guudna ay tahay 878 ruux.

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka khuburada caafimaadka, qaybna ay ka noqdaan dadaalada lagu xakameynayo faafitaanka xanuunkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com