Yuusuf Dabageed oo bil ka dib ku laabtay Beledweyne (SAWIRRO)

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee XaruntaGpo Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa tan iyo 13-kii bishii hore ee July ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isagoona kulamo kula qaatay dhinacyo kala duwan.

Wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka ee gaaray Beledweyne ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo deegaan doorashadoodu tahay Beledweyne, Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com