Dagaal-yahanada Taliban oo la wareegay Madaxtooyada Magaalada Kabul

Dagaal-yahanada Taliban ayaa caawa la wareegay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Kabul, ka dib markii Madaxweynihii Afghanistan, Ashraf Ghani uu isaga cararay dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa ku biiraya kumanaanka muwaadiniinta dalkaasi iyo ajaaniibta ka baxsanaysa dagaal-yahanada Taliban.

Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinaya dagaal-yahanada Taliban oo gudaha ugu jira Qasriga Madaxtooyada.

Afhayeenka Ururka Taliban, Suhail Shaheen ayaa Wakaaladda Wararka AP u sheegay in maalmaha soo socda ay yeelan doonaan wadahadalo lagu dhisayo sida uu yiri ‘Dowlad Islaami ah’.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Caasimadda Kabul, iyadoona qaar badan oo dadka deegaanka ka mid ahi ay ka barakacayaan magaaladaasi.

Xildhibaanka magaalada Farzana Kocha ayaa sheegtay in lagu wargeliyay in duulimaadyada ay buux dhaafiyeen, iyadoo ay dadku baxayaan sida ay sheegtay, xilli aanay garanayn halka ay u socdaan.

Dr. Xuseen Yoonis Xasan oo ah Soomaali degan magaaladaasi ayaa sheegay in dadku ka baqayaan in aargoysi ay sameeyaan dagaal-yahanada Taliban.

“Dadkan shacabka ah ee magaalada ka baxaya lafahooda ayay u baqayaan, waxa ugu weyn ee ayaga ka baqayaan waa aargoysi inuu dhaco, waayo waxay ku hoos noollaayeen dowladda caalamka aqoonsan yahay. Marka dowladaas cid kastoo u shaqeynaysay iyo cid kastoo ku lug leh oo dhanba, Talibanku heshiis lama aha.” Ayuu Dr. Xuseen Yoonis u sheegay BBC.

Si kastaba ha-ahaatee Kabul ayaa caawa wajahaysa xaaladdii ugu adkeyd, muddo tobonaan sano ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com