Magaalada Kabul oo u muuqato mid lagu kala baxay

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirto Magaalada Kabul ee Xarunta Wadanka Afghanistan, ka dib markii Xoogaga Ururka Taliban ay la wareegeen qaybo ka mida magaaladaasi.

Dr. Xuseen Yoonis Xasan oo ah Soomaali degan Kabul ayaa sheegay in inta badan Ciidamadii Dowladda Afghanistan ay isu dhiibeen dagaal-yahanada Taliban.

Dadka reer Kabul ayaa bilaabay inay ka barakacaan magaalada, iyadoona mashquul xoog lihi uu ka jiro wadooyinka magaaladaasi, oo lagu arkayo gaadiid badan oo safaf ku jira, intii ay ishaadu qabato.

Sidoo kale mashquul kaasi lamid ah ayaa laga dareemay bankiyada ku yaala magaaladaasi, oo dadku ay kala baxayaan lacagihii u yiilay.

Xildhibaanka magaalada Farzana Kocha ayaa sheegtay in lagu wargeliyay in duulimaadyada ay buux dhaafiyeen, iyadoo ay dadku baxayaan sida ay sheegtay, iyagoo aan garanayn halka ay u socdaan.

Afhayeenka Ururka Taliban, Suhail Shaheen ayaa u ballanqaaday dadka ka barakacaya magaalada inay si nabdoon uga bixi karaan.

Dr. Xuseen Yoonis Xasan ayaa BBC u sheegay in dadka reer Kabul ay ka baqayaan in aargoysi uu dhaco, waana midda ku riixday inay guryahoodu isaga cararaan.

“Dadkan shacabka ah ee magaalada ka baxaya lafahooda ayay u baqayaan, waxa ugu weyn ee ayaga ka baqayaan waa aargoysi inuu dhaco, waayo waxay ku hoos noollaayeen dowladda caalamka aqoonsan yahay. Marka dowladaas cid kastoo u shaqeynaysay iyo cid kastoo ku lug leh oo dhanba, Talibanku heshiis lama aha.” Ayuu yiri Dr. Xuseen Yoonis.

Taliban ayaase sheegtay inaanu ujeedkeedu ahayn aargoysi, isla-markaana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Madaxweyne Ashraf Ghani, haddii uu aqbalo xukunkooda.

Dowladda Ruushka ayaa qaban-qaabinaysa kulan deg-deg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesho xaaladda ka taagan dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com