Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ku kulmaya Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19-ka bishan, kaas oo diiradda lagu saari doono u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ku booriyay Dowlad Goboleeyada in ay dardargeliyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare, si looga baaqsado dib u dhac, loona gaaro jadwalka doorashooyinka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com