Taliban oo la wareegtay Magaalada Jalalabad, magaalooyinka waaweyn Kabul ayaa ka hartay

Xoogaga Ururka Taliban ayaa saaka bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan.

Magaalada muhiimka ah ee bariga dalkaasi dhacda, sidoo kale waa Xarunta Gobolka Nangarhar, waxayna qabsashadadeeda ka dambeysay, saacado ka dib, markii Taliban ay la wareegtay Magaalada Mazar-i-Sharif, oo ah magaalada afaraad ee dalkaasi ugu weyn.

La wareegista Jalalabad waxay muujinaysaa gulufka xargaha goostay ee Taliban ku xoojinayso hujuumkeeda ka dhanka ah Dowladda Afghanistan.

Xoogaga Taliban ayaa haatan u diggo roganaya Magaalada Kabul, oo ah magaalada keliya ee ugu muhiimsan, kuna hartay gacanta dowladda, iyadoona xoogagaasi ay ku sii siqayaan magaaladaasi.

Waxaa isa soo taraysa xiisadda ka oogan magaalo madaxda dalkaasi ee Kabul. Wadamada reer galbeedka ayaana muwaadiniintooda ka daad-gureynaya Caasimadda Kabul.

Taliban ayaa gulufkeedan bilowday toddobaadyo ka hor, waxaase baaxadda gulufkaasi la dareemay toddobaadkii hore, taa oo dareen gelisay reer galbeedka, ka dib markii si fudud ay xoogageeda ku soo jiireen difaacyadii militariga dalkaasi, ee labaatankii sano ee ugu dambeysay dib u dhiska ku wadeen reer galbeedku.

Qatar oo ah dalka keliya ee Ururka Taliban uu ku leeyahay xafiis siyaasadeed ayaa ugu baaqay ururkaasi inay joojiyaan dagaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com