Waxay noqotay arrin wax badan la’iska weydiiyo, sida fudud ee dhaqdhaqaaqa Talibaaniyiintu ku jebiyeen/burburiyeen Militarigii Afghanistan, xukunkana kaga tuureen dowladdii dalkaasi.
Mareykanka iyo xufaladiisa ayaa dhaqaale xoog lihi ku bixiyay dhismaha ciidamada dalkaasi, tan iyo markii ay xukunka ka tuureen maamulkii Taliban, muddo labaatan sano laga jooggo.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa dhawaan sheegay in saddex boqol oo kun oo askari (300,000) ay u tababareen dalkaasi, muddadii ay jooggeen, waxaana ku qalabeynay buu yiri hub casri ah.
Dr. Xuseen Yoonis Xasan oo ah Soomaali degan Magaalada Kabul, lana shaqeeya shaqaalaha gargaarka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in wadamada reer galbeedku ay layaabeen, is bedelka sida deg-deg ah uga dhacay dalkaasi.
Dr. Xuseen Yoonis ayaa ku waramaya in arrimo dhowra oo is biirsaday, ay sababeen burburka militarigii dalkaasi.
“Mareykanka iyo bahwadaagta Nato mid maysan fileynin, oo ah in laba toddobaad gudahooda ay ku burbureyso dowladda, ciidankana ay ku baaba’ayaan. Arrimo badan oo loo aaneynayo arrintaasi ayaa jira, waa marka hore’e waxaa jira musuq aad u ballaaran iyo maamul xumo. Ciidanka joogga gobolada mooralka waa uu ka dhintay, saadkii, sahaydii iyo mushaaraadkii ay u baahnaayeen lama siineynin.” Ayuu yiri Dr. Xuseen Yoonis.
Isagoo la hadlayay VOA ayuu yiri “Waa midda labaad’e ciidanka qaar ayaa waxaa loo dirayay dhul aanay dhalasho ahaan ka soo jeedin, oo qabaa’ilka halkaa degan aan wax xiriir ah la lahayn, wadankuna wadan qabaa’ilo ku dhisan weeyaan, hoggaamiye-yaasha beeluhu awood badan bay leeyihiin. Askarigu marka uu dareemo in culeys soo food saaray, naftiisa halis gelin maayo, waxaana dhacaya inuu door-bido in uu is dhiibo, oo hubkii iyo dareyskii uu xirnaa uu siibo, lafihiisana uu la baxsado.”
Xuseen Yoonis ayaa intaasi ku daray “Arrinta ugu weyn ee burburka ciidamada loo aaneynayo waxaa weeyaan, dhaqaalaha wadankan soo galay ee aadka u ballaarnaa, waxa uu gelayay gacan aan ahayn middii loo baahnaa, maamul xumo jirtay iyo dowladda oo iyada is haysatay, oo khilaafyo ka dhammaan weyday.”
Taliban ayaa xalay dagaal aan dhiig ku daadan kula wareegtay magaalo madaxda dalkaasi ee Kabul, iyadoona hoggaanka ururkaasi uu sheegay in ay soo dhisayaan Dowlad Islaami ah.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com