Ra’iisal Wasaare Rooble oo u ambabaxay dalka Masar

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Masar.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Masar.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Masar, ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Masar.”

Waa safarkii ugu horeeyay oo Ra’iisal Wasaare Rooble ugu ambabaxo dalkaasi, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com