Cumar Filish oo kormeeray Xarunta Ciidanka Ilaalada Deegaanka (SAWIRRO)

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Ilaalada Deegaanka ee Dowladda Hoose Xamar.

Kormeerkan oo ahaa mid aan la sii shaacin ayuu Gudoomiyuhu ugu kuurgelayay howlaha ka socda xaruntaasi, isagoona warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa kormeer ku tagay Xarunta Dhalashada & Sugnaanta, si uu u soo qiimeeyo adeegga ay xaruntaasi u qabato bulshada.

Qoraal ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri “Kormeerkan oo ahaa mid kedis ah ayaa Duqa Magaalada Muqdisho waxa uu u kuurgalayay howlaha kala duwan ee xarumahaasi ka socda iyo sida loogu qidmeynaayo bulshada, isagoo warbixino kala duwan ka dhageestay Masuuliyiinta iyo Saraakiisha xarumahaas.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com