Gudoomiyihii Deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, Maxamed Abuukar Afrax ayaa maanta ku dhintay qarax gaarigiisa lagula eegtay gudaha magaalada.
Gudoomiyaha ayaa qaraxa lagula eegtay inta u dhaxeyso Degmada Kaxda iyo Garasbaaley, gaar ahaan Waaxda Foorilow.

Goobjooge ayaa sheegay in Gudoomiyaha halkaasi looga qaaday dhaawac ahaan, markii dambena uu dhaawacaasi u geeriyooday.
Gudoomiye Afrax ayaa xilka qabtay bishii May ee sanadkan, ka dib markii qarax lagu dilay Gudoomiyihii isaga ka horeeyay, marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com