Gudoomiyihii Garasbaaley oo lagu aasay Muqdisho (SAWIRRO)

Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, Maxamed Abuukar Afrax ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole), Xildhibaano, ehelada marxuumka, odayaal iyo waxgarad ayaa ka qaybgalay Salaadda Janaasada oo lagula tukaday Isbitaalka Madiina.

Duqa Muqdisho ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo bulshada reer Garasbaaley ee uu ka baxay marxuumka. Waxa uuna eebe ugu baryay in Jannadii Fardowso ka waraabiyo, qoyskiisana samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Gudoomiye Afrax ayaa maanta ku geeriyooday qarax gaarigiisii lagula eegtay inta u dhaxeyso Degmada Kaxda iyo Garasbaaley, gaar ahaan Waaxda Foorilow.

Gudoomiyaha ayaa xilka qabtay bishii May ee sanadkan, ka dib markii qarax lagu dilay Gudoomiyihii xilka kaga horeeyay, marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com