Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo la kulmay Sheekha Al-Azhar (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku joogga Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa gelinkii dambe ee maanta kula kulmay Sheekha Mu’asasadda Al-Azhar, Dr. Axmed Altayib.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Dr. Axmed Altayib kala hadlay in la kordhiyo fursadaha waxbarashada ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Facebook.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Sheekha Al Azhar, Dr. Axmed Altayib oo uga mahadceliyay doorka Al-Azhar ee faafinta fahamka saxda ah ee diinteenna suubban, iyagoo sidoo kale ka wadahadlay kordhinta fursadaha waxbarashada ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com