Rooble oo kormeeray Xarunta Jaamacadda Carabta (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku joogga dalka Masar ayaa maanta booqday Xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta, Axmed Abulqeyd.

Xoghayaha Jaamacadda Carabta oo Ra’iisal Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howleedka Jaamacadda Carabta, isagoo ku soo wareejiyay qaybaha ay ka kooban tahay.

Axmed Abulqeyd ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashoiyinka iyo dib-u-heshiinta, isagoo ballanqaaday in Jaamacadda Carabtu ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo tilmaamay in Somaliya oo xubin ka ah dalalka Jaamacadda Carabtu ay taageero dheeri ah ka fileyso walaalaheeda ku bahoobay Jaamacadda Carabta, gaar ahan xilligan muhiimka ah ee dalku galay doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com