Rooble oo la kulmay Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxweynihii hore ee dalka, Cabdiqaasim Salaad Xasan ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu Madaxweynihii hore ee dalka warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan tan doorashooyinka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada waxaa uu u qornaa”Waxaan caawa hoygiisa Magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo aan uga mahadceliyay doorkiisii dowlad dhiska Somaliya iyo kaalintiisa odaynimo.

Waxaan Madaxweynaha uga warbixiyay xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan howlaha doorashooyinka, anigoo ka dhageystay talooyin iyo tusaalooyin dhaxalgal ah.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com