Booliska Somaliland oo xabsiga u taxaabay Cabdimaalik Muuse Coldoon

Ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer ayaa goor dhow xabsiga u taxaabay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo ka mid ah Wariye-yaasha sida weyn looga garanayo dalka.

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sidoo kale ka shaqeeya arrimaha samafalka ayay boolisku ka kaxeysteen goobtiisa shaqo.

Masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo laamaha ammaanka ayaan weli ka hadlin waxa uu salka ku hayo xariga ninka Wariyaha ah.

Bishii June ee sanadkii hore ayay ahayd, markii Wariye Coldoon laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, ka dib in muddo ah oo uu ku xirnaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com